Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shir-sannadeedka Isku-dubbaridka Adeegyada Bulshada

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Shir-sannadeedka Labaad ee Isku-dubbaridka Heerarka Dowladda ee Adeegyada Bulshada, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

Shirka ayaa muhiimad gaar ah u leh sidii loo xoojin lahaa isku-xirka iyo wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, si loo horumariyo adeegyada aasaasiga ah loona xaqiijiyo in bulshada Soomaaliyeed ay hesho adeegyo tayo leh oo ku filan baahiyahooda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirka ku sheegay in wada-shaqaynta iyo isku-dubbaridka heerarka kala duwan ee dowladda ay laf-dhabar u yihiin dardargelinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee muddada 2025–2029.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ka sugayaan waxqabad muuqda iyo adeegyo tayo leh oo si caddaalad iyo sinnaan ah u gaara dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan bulshada nugul ee u baahan taageerada iyo adeegyada dowladda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa hay’adaha dowladda ku boorriyay inay xoojiyaan wada-shaqaynta, isla-xisaabtanka iyo dabagalka go’aannada kasoo baxa shirarka noocan ah, si qorshayaasha la dejiyo loogu beddelo natiijooyin wax-ku-ool ah oo si toos ah wax uga tara nolosha bulshada.

Shirkan sannadlaha ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo isku-dubbaridka hay’adaha dowladda, kor u qaadista tayada adeegyada bulshada iyo xaqiijinta in qorshayaasha horumarineed ee qaranku ay gaaraan dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.