Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Ka Qaybgalay Xil-wareejinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halkaas oo xilka uu kula kala wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Cabdiqaadir Cumar Macallin, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdiqaadir Maxamed, oo ahaa ku-simaha Wasiirka.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa diiradda lagu saaray sii ambaqaadidda hawlaha Wasaaradda, horumarinta adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda, iyo xoojinta qorshayaasha lagu tayeynayo maamulka iyo shaqada hay’adda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo munaasabadda ka jeediyay khudbad, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in mas’uuliyiinta xilalka la wareegay ay sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo waajibaadka Wasaaradda, isla markaana ay xoojiyaan wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ay door muhiim ah ku leedahay horumarka dhaqaalaha dalka, maadaama dekeduhu laf-dhabar u yihiin ganacsiga, isu-socodka badeecadaha iyo xiriirka ganacsi ee Soomaaliya la leedahay dalalka kale.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay in qorshaha istaraatiijiyadeed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qayb weyn ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo maamulka iyo adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda, si loo xaqiijiyo horumar waara oo waafaqsan danaha iyo mudnaanta dalka.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta xilka la kala wareegay ayaa laga filayaa inay sii ambaqaadaan hawlaha Wasaaradda, iyaga oo mudnaan siinaya horumarinta adeegyada, adkaynta wada-shaqaynta hay’adaha ay khusayso iyo hirgelinta qorshayaasha loogu talagalay kobcinta waaxda dekedaha iyo gaadiidka badda.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ka mid ah hay’adaha muhiimka u ah dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama dekedaha dalku ay door weyn ku leeyihiin ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah, kobcinta dakhliga iyo abuurista fursado dhaqaale.