Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qeyb galay Carwada Warshadaha iyo Wax-soo-saarka Soomaaliya 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay Carwada Warshadaha, Wax-soo-saarka iyo Habaynta Soomaaliya 2026, oo loo yaqaan SOMIPEX 2026, taas oo lagu soo bandhigayo wax-soo-saarka gudaha iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.

Carwadan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta wax-soo-saarka gudaha, xoojinta maalgashiga, kobcinta warshadaha iyo sidii loo horumarin lahaa suuq-geynta badeecooyinka ay soo saaraan ganacsatada iyo warshadaha Soomaaliyeed.

SOMIPEX 2026 ayaa ah madal muhiim ah oo ay isugu yimaadeen ganacsatada, warshadaha, wax-soo-saarayaasha, maalgashadayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo soo bandhigo wax-soo-saarka gudaha, loona abuuro fursado cusub oo ganacsi iyo iskaashi.

Intii uu ku guda jiray ka qeybgalka carwada, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee lagu soo bandhigay badeecooyinka gudaha, isagoo warbixinno ka dhageystay ganacsatada iyo wax-soo-saarayaasha ka qeybgalaya carwada.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo wax-soo-saarka gudaha, lana abuuro jawi ku habboon maalgashiga iyo kobaca warshadaha dalka.

Waxa uu tilmaamay in horumarinta wax-soo-saarka gudaha ay door muhiim ah ka qaadan karto kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, abuurista fursado shaqo oo cusub iyo yareynta ku tiirsanaanta badeecooyinka dibadda laga keeno.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo suuq-geynta badeecooyinka Soomaaliyeed, si wax-soo-saareyaasha gudaha ay u helaan suuqyo ballaaran oo gudaha iyo dibaddaba ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa horumarinta ganacsiga iyo wax-soo-saarka gudaha, iyadoo xoogga la saarayo dhiirrigelinta ganacsatada, taageeridda warshadaha iyo fududeynta fursadaha maalgashi ee dalka.

SOMIPEX 2026 ayaa sidoo kale fursad u ah ganacsatada iyo maalgashadayaasha inay is-dhaafsadaan fikrado, abuuraan xiriirro ganacsi iyo iskaashi cusub, isla markaana ay soo bandhigaan wax-soo-saarkooda iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.

Carwada ayaa muujinaysa doorka ay ganacsatada iyo warshadaha Soomaaliyeed ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la filayo in bandhigyada noocan ah ay gacan ka geystaan dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha iyo helitaanka suuqyo cusub.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa ugu dambeyn ku boorriyay ganacsatada iyo wax-soo-saarayaasha Soomaaliyeed inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka dalka, isagoo xusay in iskaashiga dowladda, ganacsatada iyo maalgashadayaasha uu muhiim u yahay kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.