Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay goobaha ay ka socotay codbixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmada Gaalkacyo ee Dowlad-goboleedka Galmudug, isagoo u kuurgalay habsami u socodka codbixinta iyo xaaladda amniga goobaha doorashada.
Kormeerka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayso hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, iyadoo masuuliyiinta dowladda ay si dhow ula socdaan geeddi-socodka doorashooyinka ka socda deegaannada dalka. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa booqday dhowr xarumood oo codbixineed, halkaas oo uu kula kulmay guddiyada doorashooyinka, ciidamada ammaanka iyo shacabka safafka ugu jiray inay dhiibtaan codkooda.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si weyn u bogaadiyey sida nabdoon, hufan iyo nidaamsan ee ay codbixintu uga socotay degmada Gaalkacyo, isagoo tilmaamay in shacabka deegaanka ay muujiyeen biseyl siyaasadeed iyo sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in maalintan ay tahay mid taariikhi ah, maadaama muddo ku dhow hal qarni kadib ay shacabka Gaalkacyo fursad u heleen inay si toos ah u doortaan wakiilladooda goleyaasha deegaanka.
“Waxaan saaka soo kormeeray hannaan-socodka goobaha codbixinta doorashooyinka Galmudug ee degmada Gaalkacyo, oo muddo ku dhow qarni ay ugu dambaysay in doorasho toos ah laga qabto. Waa maalin taariikhi ah oo muujinaysa rabitaanka shacabka iyo horumarka dalka ee ku aaddan dimuqraadiyadda,” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha.
Waxa uu intaa ku daray in hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ay saldhig u tahay dhismaha dowlad dimuqraadi ah, isla markaana ay sare u qaadayso ka qaybgalka shacabka ee go’aan ka gaarista mustaqbalka deegaannadooda iyo dalka guud ahaan.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale uga mahadceliyey shacabka degmada Gaalkacyo sida ay uga qayb qaadanayaan doorashada iyagoo ilaalinaya nabadda iyo kala dambeynta. Wuxuu si gaar ah u ammaanay Guddiyada Doorashooyinka oo dadaal badan geliyey diyaarinta iyo maamulka doorashada, iyo ciidamada ammaanka oo xaqiijiyey in codbixintu ku dhacdo jawi amni iyo xasillooni leh.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, isagoo ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan fursadda doorashooyinka si ay codkooda ugu doortaan hoggaamiyeyaasha ay ku kalsoon yihiin, taas oo xoojinaysa dowladnimada, isla xisaabtanka iyo horumarka Soomaaliya.