Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Shir La Qaatay Safiirrada Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Ahmed Jama ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah oo dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub ee taageera Soomaaliya. Kulankan oo ka dhacay magaalada Mogadishu ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, dhammaystirka dastuurka, geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amni ee dalka, howlgalada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay kooxaha argagixisada, iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku gaarto amni waara iyo dowladnimo dhameystiran. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo xoojinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta ku tallaabsaneyso hannaan dimuqraadiyadeed oo hor leh, isagoo tilmaamay in qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan doorashooyin toos ah oo shacabka ay si xor ah ugu dooranayaan hoggaankooda. Wuxuu xusay in shacabka reer Koonfur Galbeed ay maanta muujinayaan biseyl siyaasadeed iyo rabitaanka ay u qabaan dimuqraadiyad iyo dowladnimo loo dhan yahay.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, kuwaas oo horseedi doona matalaad dhab ah iyo xasillooni siyaasadeed oo waarta. Wuxuu intaa ku daray in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu dhameystirayo dastuurka iyo dib-u-habeynta nidaamka dowladeed.

Dhankiisa, Midowga Yurub ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyeynta, iyagoo ballanqaaday inay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarada bani’aadannimo iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta dhow iyo taageeridda dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.