Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qaybgalay daahfurka Qaamuuska Luuqadda Suuldhabaalaynta Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka Qaamuuska Luuqadda Suuldhabaalaynta Soomaaliyeed, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda daahfurka qaamuuskan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada loo dhan yahay iyo sidii loo fududeyn lahaa isgaarsiinta dadka maqalka naafada ka ah, kuwaas oo adeegsanaya luuqadda suuldhabaalaynta si ay fikirkooda iyo baahiyahooda ugu gudbiyaan bulshada inteeda kale.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dadaalka ay Wasaaradda Waxbarashada ku bixisay diyaarinta iyo hirgelinta qaamuuskan, isaga oo xusay in uu yahay tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari karta horumarinta waxbarashada, fududeynta isgaarsiinta iyo ballaarinta adeegyada waxbarasho ee ay helaan dadka maqalka naafada ka ah.

Sidoo kale, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay helaan fursado waxbarasho oo loo siman yahay, isaga oo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in dadka maqalka naafada ka ah loo abuuro jawi waxbarasho oo u suurtageliya inay si buuxda uga qaybqaataan waxbarashada iyo horumarka bulshada.

Qaamuuskan cusub ayaa la filayaa inuu fududeeyo barashada iyo adeegsiga luuqadda suuldhabaalaynta Soomaaliyeed, isla markaana uu noqdo agab muhiim u ah macallimiinta, ardayda iyo dhammaan dadka ku shaqada leh waxbarashada dadka maqalka naafada ka ah.

Daahfurka qaamuuskan ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, laguna xaqiijinayo in aanay jirin caqabado ka hor istaaga helitaanka waxbarasho iyo adeegyo bulsho oo ay muwaadiniinta kale helaan.