Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Caasimadda Gambia ee Banjul, halkaas uu kaga qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.
Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo Shir madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Banjul.
Shir-madaxeedkan oo goor-dhow furmaya ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka, si gaar ah arrinta Falastiin.
Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta,
tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.
Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka, arrimaha isbeddelka cimillada iyo sugnaanta cuntada.
May be an image of 1 person, dais and newsroom