Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeybgalaya Kalfadhiga 21-aad ee Gaarka ah ee Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qeybgalaya Kalfadhiga 21-aad ee Gaarka ah ee Madaxda Dalalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta dadaallada qaaradda ee ka hortagga iyo xal u helidda khilaafaadka.

Kalfadhigan gaarka ah ayaa waxaa isugu yimid madaxda dalalka Afrika, kuwaas oo si gaar ah uga arrinsanaya caqabadaha dhinaca nabadda iyo amniga ee qaaradda ka jira, iyo sidii loo heli lahaa hannaan mideysan oo lagu wajaho khilaafaadka iyo colaadaha ka dhaca dalalka Afrika.

Madaxda ka qeybgaleysa kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo khilaafaadka ka hor inta aysan isu beddelin colaado iyo qalalaase amni, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo xalalka siyaasadeed, wada-hadalka iyo diblomaasiyadda.

Ajendaha Kalfadhiga ayaa sidoo kale lagu soo qaaday sidii qaaraddu u heli lahayd maalgelin joogto ah oo lagu taageero nabadda iyo amniga, maadaama dhaqaale joogto ah uu muhiim u yahay hirgelinta qorshayaasha Midowga Afrika ee la xiriira ka hortagga colaadaha, xallinta khilaafaadka iyo ilaalinta nabadda.

Sidoo kale, madaxda Afrika ayaa ka wada hadlaya xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Midowga Afrika iyo bahwadaagta caalamiga ah, si loo helo taageero dheeraad ah oo lagu horumarinayo dadaallada nabadda, amniga iyo xasilloonida qaaradda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay doodaha iyo talooyinka socda ku biirinayso waayo-aragnimadeeda ku aaddan garab-istaagga Afrika iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in guulaha laga gaaro sugidda amniga lagu xoojiyo hindisayaal qaran oo horseeda nabad iyo xasillooni waarta, iyadoo dowladuhu ay door muuqda ka qaadanayaan dhismaha hay’adaha amniga iyo xal u helidda sababaha salka ku haya khilaafaadka.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee Kalfadhigan ayaa sidoo kale fursad u ah dowladda Federaalka Soomaaliya inay la wadaagto dalalka Afrika iyo bahwadaagta caalamiga ah waayo-aragnimada ay ka heshay dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Kalfadhiga 21-aad ee Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu soo saaro talooyin iyo go’aanno lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika ee dhinacyada nabadda iyo amniga, iyo sidii qaaraddu u yeelan lahayd hannaan mideysan oo wax looga qabanayo khilaafaadka iyo caqabadaha amni ee horyaalla.