Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Our Ocean Conference 2026, oo ka furmay magaalada Mombasa, halkaas oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaal, khubaro iyo wakiillo ka kala socday dalal iyo hay’ado caalami ah si ay uga wada hadlaan mustaqbalka badaha dunida iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Khudbaddiisa, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in baddu ay laf-dhabar u tahay dhaqaalaha Soomaaliya iyo mustaqbalka jiilasha soo socda, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika iyo khayraad badeed aad u ballaaran oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha dalka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta badaha, ka faa’iidaysiga kheyraadka badda si waara, iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha buluugga ah. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si firfircoon uga qeyb qaadato dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo deegaanka badda iyo la tacaalidda caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku dhawaaqay ballanqaadyo cusub oo ay Soomaaliya qaaday, kuwaas oo la xiriira xoojinta amniga badda, la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, ilaalinta deegaanka xeebaha iyo kobcinta awoodda hay’adaha dowladda ee qaabilsan arrimaha badda.
Waxa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah ee lagu horumarinayo dhaqaalaha buluugga ah, gaar ahaan dhinacyada kalluumaysiga, gaadiidka badda, tamarta laga dhaliyo badda iyo horumarinta kaabeyaasha xeebaha.
Shirweynaha Our Ocean Conference ayaa ah madal caalami ah oo sanad kasta lagu gorfeeyo arrimaha la xiriira ilaalinta badaha, horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee badda.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya dadaallada ay dowladdu ku doonayso inay kor ugu qaaddo ka faa’iidaysiga khayraadka badda, xoojinta amniga xeebaha iyo dhisidda dhaqaale waara oo ku saleysan fursadaha waaweyn ee ay Soomaaliya ka haysato baddeeda dheer.