Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Hindiya u soo magacowday Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Hindiya, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada muhiimka u ah horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac iyo Danjire Dr. Adarsh Swaika ayaa si gaar ah uga wada hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqanka, kuwaas oo labada dhinac ay u arkaan kuwo muhiim u ah xoojinta xiriirka labada shacab.
Dhinaca ganacsiga, kulanka waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la abuuro fursado cusub oo lagu kordhin karo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo laga faa’iideysanayo fursadaha dhaqaale ee ka jira Soomaaliya.
Sidoo kale, waxbarashada ayaa kamid ahayd qodobada muhiimka ah ee kulanka, iyadoo la isla eegay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga waxbarasho, tababarrada iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha u dhexeeya labada dal.
Dhanka caafimaadka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo ka faa’iideysiga khibradaha iyo fursadaha ay Hindiya ku leedahay adeegyada caafimaadka iyo tababarrada shaqaalaha caafimaadka.
Dhaqanka ayaa sidoo kale kamid ahaa arrimaha la isla soo qaaday, iyadoo la tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka bulshooyinka labada dal iyo is-dhaafsiga dhaqanka, aqoonta iyo hidaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa soo dhoweeyay Danjiraha cusub, isagoo u rajeeyay inuu si wanaagsan u guto waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, isla markaana uu door muhiim ah ka qaato horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya.
Danjire Dr. Adarsh Swaika ayaa dhankiisa muujiyay sida ay dowladda Hindiya muhiimad u siineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo in la sii ambaqaado iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka ay wadaagaan xiriir taariikhi ah iyo dano iskaashi oo dhinacyo badan leh.