Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Peter De Clercq+sawiro

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Gulleid ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi iyo Peter ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira abaaraha ka jira Dalka iyo xaaladaha guud ee Mandaqadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa mashaariicda horumarineed ee UN-ku ka fuliyaan Soomaaliya.

Peter ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka warbixin ka siiyay hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Qaramada Midoobay ka fuliyaan gudaha dalka iyo inay gaadhaan meelihii loogu talo Galay.

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah ayaa markii uu soo dhamaaday waxa Warfidiiyeenka warbixin kooban ka siiyay R/W Xigeenka dalka Avv. Mahdi Mohamed Gulleid.

”Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya Peter DeClercq ayaanu kulanay. Waxaannu kawada hadlay xaaladaha abaaraha ee soo noqnoqday sidii wax looga qaaban lahaa iyo inay xoojiyaan taageeradooda dhinaca gargaarka Aadanaha,”Ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Kullankan oo ahaa mid aad muhiim inoogu ah waxan kaloo kala hadlay masuulkaasi rabitaanka Dawladda Federaalku ku baadigoobayso siddii aanu u sugi lahayn inay gaaraan dadkii loogu talogalay iyo in si sax loo fuliyo mashaariicda iyo dhamaan deeqaha iyo caawimooyinka dunidda aynu ka helo. Kulankaasi wuxu noogu soo dhamaaday si wanaagsan wuxuuna qayb ka yahay Dedaalada Dawlad ahaan aanu ku doonayno Dawlad wanaag & Cadaalada bulshadeena wada deeqda.”​