Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Xarigga ka Jaray Qeybta Dhimirka Haweenka ee Isbitaalka Laansareeti

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xarigga ka jaray qeybta dhimirka ee haweenka ee Isbitaalka Laansareeti, kadib markii lagu sameeyay dayactir iyo dib-u-nashqadeyn ballaaran oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.

Qeybtan la casriyeeyay ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah kor u qaadista adeegyada caafimaadka maskaxda ee haweenka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray in la helo xarun bixisa adeeg caafimaad oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana waafaqsan baahiyaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo casri ah, tayo leh, isla markaana loo siman yahay.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale bogaadiyay Dowladda Talyaaniga oo ka qeyb qaadatay hirgelinta mashruucan, isagoo xusay in iskaashiga caalamiga ah uu muhiim u yahay dib-u-dhiska iyo tayeynta adeegyada caafimaadka ee dalka.

Waxa uu intaa ku daray in Xukuumaddu ay sii wadi doonto dib-u-habaynta iyo casriyeynta xarumaha caafimaadka dalka, si loo xoojiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada loona horumariyo tayada adeeg bixinta.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay dardar gelinayso horumarinta adeegyada dadweynaha, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo waxtar leh oo la jaanqaadaya baahiyaha casriga ah.