Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay kulan la yeeshay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, isagoo ku boorriyay inay qaataan kaarka codeynta si ay uga qeyb qaataan doorashada si toos ah u bilaaban doonta 25-ka December 2025, Insha Allaah.
Mudane Saalax ayaa kulankaas ka sheegay in ka qeybgalka dadweynaha ee doorashada uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo nidaam dimuqraadi ah, isla markaana uu kaarka codeyntu yahay xaq muwaadinimo oo lagama maarmaan u ah mustaqbalka dalka.
Kulanka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo bulshada la wadaagay muhiimadda ay leedahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Dhanka kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa xaqiijiyay in doorashada dalka ay si rasmi ah u bilaaban doonto 25-ka bishan December 2025, iyagoo ballanqaaday in hanaanka doorashada uu noqon doono mid hufan, cadaalad ah, isla markaana ay si buuxda uga qeyb qaadan doonaan shacabka Soomaaliyeed.
