Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Daah-furay Shirka Dardargelinta Istiraatiijiyadda Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirka Dardargelinta Istiraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (National Trade Facilitation Committee – NTFC), kaas oo lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa jawiga ganacsiga dalka, loona dardargelin lahaa hirgelinta qorshayaasha lagu fududeynayo isu socodka badeecadaha iyo adeegyada.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha dowliga ah ee ku shaqada leh ganacsiga iyo dhaqaalaha, xubno ka socday ganacsatada Soomaaliyeed, wufuud ka timid Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee taageera horumarinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in fududeynta ganacsigu ay tahay tiir-dhexaadka horumarka dhaqaale ee Soomaaliya, isla markaana ay muhiim u tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP). Wuxuu tilmaamay in dowladdu ay ka go’an tahay hirgelinta dib-u-habeyn lagu sameynayo habraacyada ganacsiga si loo abuuro jawi dhiirrigeliya maalgashiga gudaha iyo kan dibadda.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in fududeynta ganacsigu ay sare u qaadi karto tartanka ganacsiga Soomaaliyeed, abuuri karto fursado shaqo oo cusub, isla markaana kordhin karto dakhliga dowladda iyo koboca wax-soo-saarka dalka. Wuxuu sheegay in yareynta caqabadaha hortaagan ganacsiga ay muhiim u tahay sidii Soomaaliya ay ula jaanqaadi lahayd isbeddellada dhaqaale ee ka socda gobolka iyo caalamka.

Isagoo soo dhoweynaya wufuudda ka socotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo marti-sharaftii kale ee shirka ka qeyb gashay, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay is-waafajinta xeerarka iyo habraacyada ganacsiga, horumarinta adeegyada kastamyada, casriyeynta nidaamyada ganacsiga, xoojinta tayada badeecadaha iyo kaabayaasha lagu hubiyo heerarka tayada, si loo yareeyo dib-u-dhacyada iyo kharashaadka saameeya isu socodka ganacsiga.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay xoogga saarayso hirgelinta nidaamyo casri ah oo kor u qaadaya hufnaanta adeegyada dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha dalka, si ganacsatada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo tayo leh oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in inkasta oo la sameeyay horumar dhinaca isdhexgalka dhaqaale ee Afrika, haddana ganacsiga u dhexeeya dalalka qaaradda uu weli ka hooseeyo heerkii la hiigsanayay. Wuxuu ku baaqay in mudnaanta koowaad la siiyo kobcinta ganacsiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, si loo xoojiyo isku xirnaanta suuqyada gobolka loogana faa’iideysto fursadaha ka dhashay heshiisyada ganacsi ee Afrika.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga dowladda, ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha horumarinta, isagoo xusay in wada-shaqeyn xooggan ay horseedi karto kobac dhaqaale oo waara iyo horumar laga dareemo dhammaan qaybaha bulshada.

Shirka Dardargelinta Istiraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) ayaa la filayaa inuu kasoo baxo talooyin iyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu dardargelinayo dib-u-habeynta nidaamka ganacsiga Soomaaliya, kor loogu qaadayo tartanka ganacsiga, lana xoojinayo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.