Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, kaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Mogadishu.
Shirkan muhiimka ah ayaa muddadii uu socday lagu falanqeeyay laguna gorfeeyay Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, iyadoo diiradda la saaray sidii loo heli lahaa qorshe mideysan oo wax looga qabanayo baahiyaha dhinaca guriyeynta, dib u dejinta bulshada, iyo horumarinta kaabeyaasha magaalooyinka dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale wasaaradaha dhiggooda ah ee Dowlad Goboleedyada dalka, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday qodobbada muhiimka ah ee siyaasaddan.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo guriyeyn oo casri ah, ammaan ah, isla markaana waafaqsan baahiyaha bulshada.
Waxa uu sidoo kale xusay in siyaasaddan ay door muhiim ah ka qaadan doonto dib u dhiska dalka, qorsheynta magaalooyinka, iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan xilligan ay Soomaaliya ku jirto dib u kabasho iyo horumar dhinacyo badan leh.
Ugu dambeyn, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa u mahadceliyey dhammaan ka qaybgalayaashii shirka, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta dadaalka, waqtiga iyo shaqada ay gelisay diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah mustaqbalka horumarineed ee Soomaaliya