Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Dawladda Ingiriiska (UK) iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada daryeelka bulshada iyo taageerada qoysaska nugul, si loo dhiso bulsho adkaysi leh oo awood u leh inay si wax ku ool ah uga jawaabto caqabadaha dhaqaale iyo bulsho ee jira.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada uu barnaamijkani leeyahay, isagoo tilmaamay in uu gacan weyn ka geysan doono yareynta saboolnimada, kor u qaadidda isku-filnaanshaha qoysaska Soomaaliyeed, iyo xoojinta nidaamka daryeelka bulshada ee dalka.
Wuxuu xusay in dawladdu ay ka go’an tahay in la sii ballaariyo barnaamijyada noocan oo kale ah, si loo gaaro himilada ah in bulshada Soomaaliyeed ay hesho nolol ka wanaagsan oo waarta.