Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XF oo maanta kaararkooda cod-bixinta ka qaatay xarunta Tiyaatarka Qaranka oo xubnaha.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka, Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed, iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta kaararkooda cod-bixinta ka qaatay xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Xaruntan ayaa ah mid ay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ka sameysteen xafiis ku meel gaar ah, si loo dardargeliyo hawlaha la xiriira diiwaan-gelinta iyo bixinta kaararka cod-bixinta, kuwaas oo muhiim u ah doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintan ka dib markii ay qaateen kaararkooda cod-bixinta, ayaa waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed ee is diiwaan-geliyey doorashada in ay si buuxda uga qeyb qaataan, isla markaana ay maalinta Khamiista ah u dareeraan goobaha cod-bixinta, si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinnimo.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa horay u iclaamiyey in doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir ay si rasmi ah u dhaceyso maalinta Khamiista, iyadoo haatan uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashadaas.

Guud ahaan gobolka Banaadir waxaa laga dareemayaa dadaallo xooggan oo lagu xaqiijinayo in doorashadu u dhacdo si hufan, iyadoo muwaadiniinta laga codsaday inay kaararka cod-bixinta ka qaataan goobaha loo asteeyey, si ay uga qeyb qaataan doorashada la filayo inay kaalin muhiim ah ka qaadato dimuqraadiyeynta dalka.