Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta soo booqday Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), waxuuna kulan gaar ah kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.
Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda abaareed ee dalka oo heer adag gaartay, saameyn ballaaranna ku yeelatay gobollada dalka iyo bulshada nugul. Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay heerka abaarta, saameynta ay leedahay iyo dadaallada xooggan ee lagu dardargelinayo gurmadka degdegga ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda isku-duubnida iyo is-garab istaagga bulshada, gaar ahaan xilligan bisha barakeysan, si loo xoojiyo taakuleynta dadka ay abaartu saameysay.
Ugu dambeyn, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo hadda xubin ka ah Golaha Shacabka, ayaa ballan-qaaday inuu codkiisa iyo kaalintiisa ku biirin doono dadaallada gurmadka, isagoo ka faa’iideysanaya khibraddiisii hore ee la xiriirtay maaraynta abaarihii dalka soo maray xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen dalka.