Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo kormeer Kutegay Xeryo Ay kujiraan Ciidamo isku dhaf ah

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Fedreaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay kormeer ugu tagay xarun Ciidan oo ku taalla Magaalada Muqdisho, ayna ku sugnaayeen Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Millitari, Boolis iyo Asluub.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka waxaa ku wehliyay Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeya Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe iyo xubno kale, waxaana halkaasi lagu qabtay Munaasabad kooban oo lagu soo bandhigayay Cidankan.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Gen. Bashiir Goobe oo sheegay in Dhalinyaradan Ciidanka ah ay ku soo biireen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayna astaan u yihiin jiilka cusub ee soo socda.

“Ujeedada xafladan waxa ay tahay dhiiragelin loo sameynayo Libaaxyada soo ma jeestaanka ah ee gadaashaada fadhiya, waxay astaan u yihiin jiilka cusub ee soo socda, waxayna diyaar u yihiin in ay sugaan ammaanka caasimadda.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay Ciidamadan in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda ammaanka, si looga hortago falalka ka baxsan ammaanka.

“Xafladan walaaleynta ah ee isku xirka Ciidanka xoogga dalka waxay muujineysaa awood Millitari, Ciidanka waa cid kaleiya aynu ku seexano, waa cida keliya ee inagala shaqeyneysa amniga, hadi la wada shaqeeyo meel baa la gaarayaa, ammaanka Magaalada ayay sugayaan, waxayna la jihaadeynaa Nabad diidka.” Ayuu yiri R.W Kuxigeenka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho weli ma sugna, ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay dilalka ay u geysanayaan Askarta iyo dadka kale ee la shaqeeya Dowladda, balse waxaa socda Howlgallo amniga Magaalada ay ku xaqiijinayaan Ciidamada.