Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP).
Ra’iisul Wasaare Kuxigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mashruuc qaran oo tiir-dhexaad u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2029), kaas oo kor u qaadi doona maaraynta biyaha iyo horumarinta beeraha.
Mashruucan ayaa horseedi doona in dadkeennu ay la soo baxaan kheyraadka dalka, isla markaana dalkeennu ka maarmo kaalmo ajnabi ah. Waxaa mashruucan ka faa’iideysan doona in ka badan 300,000 (saddex boqol kun) oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.
Barnaamijkan waa mashruuc lagu dhisayo biyo-xireenno lagu kaydinayo biyo roobaadka iyo biyaha webiga Shabeelle, si looga hortago fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar iyo deegaannada ku xeeran.