Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federxilgaarsiinta Maxmed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay hirgelinta doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha, Gurmadka dadkii ku waxyeelloobay fatahaadaha & xakameynta caabuqa Covid-19.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyar u tahay inay dowladda Soomaaliya ka taageerto hirgelinta doorashooyinka.
- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federxilgaarsiinta Maxmed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Wakiilka QM ee Soomaaliya sida ay ula Shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.