Dhageyso:Ra’iisul Wasaare Soomaaliya oo Si Kulul Uga Hadlay Heshiiskii Dekada Berbera & Mowqifka Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay heshiiskii Maamulka Soomaaliland uu kula galay dhanka maalgashiga dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya dekada Magaalada Berbera.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladda soomaaliya aysan heshiiskaas qeyb ka aheyn isla markaana uu yahay mid sharcidarro ah.

Waxa uu sheegay in heshiis kasta oo la gelayo in ay muhiim tahay in loo soo maro sifosharci ah balse heshiiskaas uu ahaa sharcidarro ah,isla markaana uu ku raacayo War-Saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya

Waxa uu ugu baaqay Shirkadaha doonaya in dalka ay maalgashadan in ay soo maraan nadaam sax ah sidoo kalena taasi lagu adkeynayo in la ilaaliyo amaanada Shacabka Soomaaliyeed ay u dhiibteyn.

Hadalkaan  ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu ku sheegay shir jaraa’id uu Muqdisho ku qabtay kadib markii uu ka soo laabtay Wadanka isutaga Imaaraadka Crabta

Hoos kadhegyso Codka Xasan Cali Kheyre