Ra’iisul Wasaare soomaliya xasan cali Kheyre oo ku wajahan Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu maanta u ambabaxo dalka Isugu tagga Imaaraadka Carabta sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Casumaad rasmi ah ka helay dalka Isugu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana lagu waddaa in uu la kulmo Madaxda dalkaasi.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Imaaraadka Carabta ayaa soo baxday, kaddib ka qeyb galkiisa shirkii Davos ee Switzerland bishii hore oo ay isku arkeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sanadkii hore booqasho ku tagay dalka Qatar, xilli ay jirtay xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa dalalka Khaliijka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u tagay dalka Isugu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana dowladda Imaaraadka ay u ballan qaaday in ay Soomaaliya ay fulin doonto Mashaariic kala gedisan.