Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaddib markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay u doorteen inuu hoggaamiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre ayaa Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka u muujiyeen, isaga oo u rajeeyay inuu si hufan, xilkasnimo iyo cadaalad leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in hoggaanka Golaha Shacabka uu yahay mas’uuliyad culus oo u baahan hoggaan mideeya Xildhibaannada, dardargeliya howlaha baarlamaanka, isla markaana ka shaqeeya horumarinta shuruucda iyo siyaasadaha muhiimka u ah dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow iyo isku-duubni dhex marta hay’adaha kala duwan ee dalka, gaar ahaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in iskaashi xooggan oo dhex mara labada hay’adood uu muhiim u yahay dardargelinta qorshayaasha qaranka, xoojinta dowladnimada, horumarinta shuruucda dalka iyo ka shaqeynta danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu si wanaagsan u guto mas’uuliyadda loo igmaday, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso Golaha Shacabka iyo hay’adaha sharci-dejinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale muujiyay rajada laga qabo in hoggaanka cusub ee Golaha Shacabka uu door muuqda ka qaato xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha qaranka, horumarinta nidaamka sharci-dejinta iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya