Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaran (NLA), taas oo ah xarun loogu talagalay horumarinta aqoonta, xirfadaha hoggaamineed iyo tayeynta jiilka hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda iyo horumarka ay marayso Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaran, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha loo soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha ilaa hadda laga qabtay dhismaha iyo diyaarinta Akadeemiyadda.
Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uga warbixiyey in la dhammaystiray xarumihii ay Akadeemiyaddu ku shaqeyn lahayd, iyadoo sidoo kale la diyaariyey manhajka waxbarasho ee lagu tababari doono hoggaamiyeyaasha iyo shaqaalaha ka faa’iideysanaya barnaamijyada Akadeemiyadda.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Akadeemiyadda ay heshiisyo is-faham la gaartay xarumo waxbarasho iyo jaamacado waaweyn oo caalami ah, kuwaas oo la filayo inay kaalin ka qaataan horumarinta aqoonta iyo xirfadaha hoggaamineed ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey shaqada baaxadda leh ee ay qabteen Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay xilligan si weyn ugu baahan tahay xarumo waxbarasho oo soo saara hoggaamiyeyaal leh aqoon, karti, daacadnimo iyo aragti fog.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaran ay ku soo aaday xilli muhiim ah, isla markaana ay muhiim tahay in la helo xarumo waxbarasho oo wax-ka-beddel dhab ah ku sameeya nolosha bulshada Soomaaliyeed.
“Waa in aan helnaa xarumo waxbarasho oo wax-ka-beddel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo sare u qaada wacyiga qofka, beddela hab-fekerka qaldan, soona saara qof leh tayo hoggaamineed oo danta dalka iyo dadka ku qotonta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Waxa uu xusay in horumarinta hoggaaminta iyo tayeynta dadka loo diyaarinayo inay xilal kala duwan ka qabtaan dalka ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayo caqabado dhinacyo badan leh oo u baahan hoggaan aqoon iyo aragti fog leh.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kula dardaarmay xubnaha Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaran inay xoogga saaraan sidii loo horumarin lahaa hab-fekerka iyo hab-dhaqanka bulshada, isla markaana wax looga qaban lahaa caqabadaha muddo dheer soo jiray.
Waxa uu si gaar ah u tilmaamay musuqmaasuqa iyo qabyaaladda, isagoo sheegay in loo baahan yahay jiil cusub oo ku dhisan waddaniyad, aqoon, hufnaan iyo ilaalinta danta guud.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaran ay tahay fursad muhiim ah oo lagu horumarin karo awoodda hoggaamineed ee dalka, isla markaana lagaalin weyn ka qaadan karto diyaarinta hoggaamiyeyaal awood u leh inay si wanaagsan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa ugu dambeyn kusoo dhammaaday dardaaran iyo talooyin ku aaddan sidii Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaran ay u noqon lahayd xarun heer qaran ah oo door muuqda ka qaadata horumarinta hoggaanka, aqoonta iyo mustaqbalka Soomaaliya.