Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamadii rasmiga ahaa ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la qaadanayay madaxda sare ee dalka Qatar, iyadoo labada dhinac ay si qoto dheer uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka, iyadoo sidoo kale laga hadlay khataraha amni ee ka dhasha kooxaha argagixisada iyo falalka xuduudaha ka tallaaba ee saameynta ku yeelan kara nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar horumarka laga sameeyay dhinaca amniga Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida magaalooyinka waaweyn iyo hawlgallada ciidamada Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaannada ay ka howlgalaan kooxaha Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay taageerada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ay ka hesho, gaar ahaan dhinacyada dhismaha ciidamada, tababarrada, qalabaynta iyo xoojinta awoodda hay’adaha amniga.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca, Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani, ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u tahay in la sii ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta ku aaddan arrimaha amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka, isagoo muujiyay sida Qatar ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Qatar soo dhaweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, iyo sida ay labada dal u leeyihiin xiriir ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada ay mar walba la garab taagneyd Soomaaliya iyo sida ay u garab istaagtay qaranimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya xilliyadii dalka lagu soo xadgudbay.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Qatar, lana ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, difaaca, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee ay danaha wadaagaan.