Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha (SIPE), tan iyo markii si rasmi ah loo aasaasay guddigan, kaas oo loo xilsaaray dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo adeegyada tallaalka iyo ciribtirka cudurka dabaysha ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirro iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Maaliyadda, wakiillo ka socday dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya caafimaadka iyo tallaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF, Gavi, Africa CDC iyo Gates Foundation.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay xoojinta adeegyada caafimaadka carruurta, ballaarinta barnaamijyada tallaalka, gaarsiinta carruurta aan weli helin tallaallada muhiimka ah iyo dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha. Sidoo kale, waxaa diiradda la saaray kordhinta maalgelinta gudaha iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera barnaamijyada caafimaadka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo isla-xisaabtan dhab ah iyo hannaan lagu cabbiro waxqabadka hay’adaha ku howlan tallaalka carruurta Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dhaqaalaha loo qoondeeyo tallaalka ay tahay inuu keeno natiijooyin la taaban karo, isla markaana adeegyada tallaalku gaaraan dhammaan carruurta Soomaaliyeed, isaga oo yiri:
“Miisaaniyad kasta oo loo qoondeeyay tallaalka waa in ay dhashaa natiijo cad, isla markaana tallaalkaas gaaraa ilmo kasta, iyada oo loo marayo hannaan daahfuran, innaga oo waxqabadkeenna ku qiimeynayna inta carruur ee aan xifdinay, iyo tayada adeegyada aan qabanay.”
Waxa uu sidoo kale xusay in Guddiga Fulinta Isku-dhafka ah ee Tallaalka lagu qiimeyn doono tirada carruurta ay gaaraan adeegyada tallaalku, heerka ka hortagga cudurrada faafa iyo dadaallada lagu xaqiijinayo in carruurta Soomaaliyeed ay si fudud oo siman u helaan tallaallada muhiimka u ah caafimaadkooda.
Dhanka kale, kulanka waxaa warbixinno ku saabsan xaaladda tallaalka iyo qorshayaasha caafimaadka ka soo jeediyey wakiillo ka socday Gavi, UNICEF, Gates Foundation, Africa CDC, Wasaaradda Caafimaadka, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo dowlad-goboleedyada. Warbixinnadaas ayaa diiradda lagu saaray xaaladda adeegyada tallaalka, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo barnaamijyada caafimaadka carruurta.
Ugu dambeyntii, kulanka waxaa lagu ansixiyey qorshe-hawleedka lixda bilood ee Guddiga Fulinta Isku-dhafka ah, kaas oo qeexaya masuuliyadaha hay’adaha kala duwan, waqtiyada loo qabtay fulinta hawlaha iyo habka loola soconayo natiijooyinka la gaaro.
Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la xoojiyo maalgelinta gudaha, wada-shaqeynta wasaaradaha iyo isla-xisaabtanka hay’adaha bahwadaagta la ah dowladda, si loo xaqiijiyo in dadaallada tallaalka iyo ka hortagga cudurrada faafa ay gaaraan dhammaan carruurta Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka dalka, laguna xaqiijinayo in carruurta Soomaaliyeed helaan adeegyo caafimaad oo aasaasi ah, gaar ahaan tallaallada ka hortaga cudurrada halista ku ah noloshooda iyo caafimaadkooda.