Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdiwali Ibraahim Aadan (Garyare), oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labada mas’uul ay guul taariikhi ah ka gaareen tartankii doorashooyinka Galmudug, isaga oo Alle uga baryay inuu ku asturo mas’uuliyadda loo doortay, kuna garab galo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla.
Waxa uu tilmaamay in hoggaanka cusub laga sugayo gudashada waajibaadka ay u igmadeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku nool deegaanada Galmudug, si loo sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo maamulka, xoojinta nabadda iyo midnimada bulshada.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay xubnaha Golaha Wakiillada Galmudug iyo guddoonkooda, isaga oo ku ammaanay sida ay u maamuleen doorashadii maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in doorashadu ay waafaqsan tahay shuruucda doorashooyinka dalka iyo qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo doorashooyinka ku tilmaamay xaq iyo waajibaad ay bulshada u leedahay ka qaybgalka hannaanka dowladnimada.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray shacabka iyo hoggaanka Galmudug, isaga oo u rajeeyay inay sii wadaan dadaallada horumarineed, isla markaana ay ka shaqeeyaan midnimo, nabad iyo barwaaqo ay ka faa’iidaystaan dhammaan dadka ku nool deegaanada maamulka.