Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda dalka, munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sannad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay markii gobolladii Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.
Ra’iisul Wasaaruhu, oo ka qeybgalayay munaasabadda xuska maalintan taariikhiga ah, ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin qiimo weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay astaan u tahay halgankii dheeraa ee loo soo maray xorriyadda, gobannimada, midnimada iyo xaqiijinta himiladii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd inay helaan dal xor ah oo madax-bannaan.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in halgankii ay hormuudka ka ahaayeen geesiyaashii Soomaaliyeed uu horseeday in calanka Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaaliyeed, isla markaana uu dhashay rajadii iyo himiladii lagu dhisay dowlad Soomaaliyeed oo mideysan. Wuxuu xusay in geesiyaashii naftooda u huray xorriyadda dalka ay mudan yihiin in mar walba la xuso lana maamuuso, maadaama ay dhiiggooda iyo nafahooda u hureen sidii jiilasha dambe ay ugu noolaan lahaayeen xorriyad iyo sharaf.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in masuuliyadda maanta saaran shacabka Soomaaliyeed ay tahay ilaalinta midnimada dalka, xoojinta dowladnimada, adkeynta nabadda iyo horumarinta qaranka, si loo xaqiijiyo himilooyinkii ay u soo halgameen halyeeyadii Soomaaliyeed.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:
“Caawa oo kale waa habeen qiimo gaar ah ku leh xasuusta shacabka Soomaaliyeed, waanna habeen aynu ku xasuusanno geesiyaashii iyo halgamayaashii naftooda u huray sidii ay ummaddeennu u heli lahayd xorriyad iyo karaamo. Waxaa ina saaran masuuliyad ah in aynu ilaalinno midnimada, wadajirka iyo dowladnimada dalkeenna, si jiilasha soo socda ay ugu noolaadaan Soomaaliya nabdoon, horumarsan, kana dhabeysa himilooyinkii ay u soo halgameen aabbayaasheen iyo hooyooyinkeen.”
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan wadajirka qaranka, difaaca madax-bannaanida dalka iyo taageeridda dadaallada dowladda ee lagu xaqiijinayo Soomaaliya nabdoon, xasilloon, mideysan oo horumar gaarta.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu uga mahadceliyey Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, soo dhoweynta iyo hoggaamintiisa, isagoo ku bogaadiyey doorka uu ka qaatay hirgelinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo diyaarinta doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo inay ka qabsoomaan Galmudug.
Ugu dambeyntii, markii ay soo idlaatay munaasabadda xuska 26-ka Juun, Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u xil-saarnaa maamuuska Calanka Qaranka, iyadoo munaasabadduna ku soo dhammaatay jawi ay ka muuqatay dareenka waddaniyadeed iyo xuska halgankii xorriyadda Soomaaliyeed.