Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb-galay munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Dalladda Culimada Haweenka Soomaaliyeed oo qabsoomay sannadkii labaad, kaas oo diiradda lagu saaray dhismaha bulshada, wacyigelinta iyo xoojinta doorka haweenka culimada ah ee horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Shirweynaha ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo aqoonta iyo awoodda haweenka culimada ah, lana xoojiyo kaalinta ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, tarbiyadda ubadka, ilaalinta dhaqanka wanaagsan iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay baahida loo qabo in haweenka culimada ah ay door muuqda ka qaataan ka hortagga fikradaha xagjirnimada iyo dhiirrigelinta nabadda, wadajirka iyo is-afgaradka bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay Dalladda Culimada Haweenka Soomaaliyeed, isaga oo ku ammaanay dadaallada ay ku bixinayaan wacyigelinta bulshada iyo dhismaha awoodda iyo wax-qabadka ummadda. Waxa uu tilmaamay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay door muhiim ah ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, waxbarashada, tarbiyadda carruurta iyo ilaalinta qiyamka bulshada.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ka hadlay saamayntii uu burburkii dowladdu ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in muddadii adkayd ee uu dalku soo maray ay dhaawacday qaybo badan oo ka mid ah nolosha bulshada, oo ay ku jiraan dhaqanka, diinta iyo nidaamkii dowladnimo. Waxa uu sheegay in duruufahaas ay bulshada u nugleeyeen dhibaatooyin kala duwan iyo faafitaanka fikrado xagjirnimo ah oo halis ku ah nabadda, wadajirka iyo nolosha shacabka.
Waxa uu si gaar ah u xusay fikradaha ku salaysan Khawaarijnimada, kuwaas oo uu sheegay inay horseedeen in la banneysto dhiigga dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay caqabad ku noqdeen dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in culimada, gaar ahaan haweenka aqoonta diinta leh, ay bulshada ku baraarujiyaan diinta saxda ah, nabadda, is-dhexgalka iyo ilaalinta nolosha dadka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ammaanay kaalinta taariikhiga ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, isaga oo xusay in hooyooyinka Soomaaliyeed ay muujiyeen dulqaad, adkaysi iyo dadaal badan xilliyadii adkaa. Waxa uu sheegay in haweenku aanay ku koobnayn oo keliya daryeelka qoysaska, balse ay sidoo kale door muuqda ku leeyihiin dhismaha dowladnimada, hoggaaminta bulshada iyo horumarinta dalka.
“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay dalkeenna u soo adeegeen waqtiyo adag oo dalku soo maray. Waxa ay doorar muuqda ku lahaayeen dhismaha dowladnimada aynu maanta haysanno, waxa ayna soo saareen hoggaamiyayaal door muuqda ka qaatay dowladnimada Soomaaliyeed. Waan bogaadinayaa hooyooyinka Soomaaliyeed ee duruufaha adag ee ay u soo dhabar-adaygeen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu culimada haweenka ah kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan wacyigelinta bulshada, hagaajinta dhaqanka, ilaalinta caqiidada iyo tarbiyadda jiilka soo koraya. Waxa uu sidoo kale ku boorriyay inay kaalin firfircoon ka qaataan dhismaha dowladnimada, nabadeynta bulshada iyo ka hortagga fikradaha waxyeellada u geysanaya diinta iyo wadajirka ummadda.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ballanqaaday in Xukuumadda DanQaran ay door muuqda ka qaadan doonto horumarinta iyo awood-siinta haweenka culimada ah, si ay u helaan fursado ay ku kobciyaan aqoontooda, kuna xoojiyaan kaalintooda hoggaamineed ee bulshada Soomaaliyeed.
Shirweynaha Dalladda Culimada Haweenka Soomaaliyeed ayaa ku soo dhammaaday baaq ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta culimada, haweenka iyo hay’adaha dowladda, si loo horumariyo wacyiga bulshada, loo ilaaliyo qiyamka wanaagsan, loona dhiso bulsho ku dhisan nabad, aqoon iyo wadajir.