Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xilkaas u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin.
Go’aanka magacaabista ayaa ku saleysan awoodaha dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan qodobka 120-aad, farqadihiisa labaad iyo saddexaad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tixgeliyey taariikh-nololeedka, khibradda iyo aqoonta uu leeyahay mas’uulka loo magacaabay xilkan, iyo talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin kula dardaarmay inuu xilkiisa u guto si hufnaan, daacadnimo iyo masuuliyad leh, isaga oo xoogga saaraya horumarinta howlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ka mid ah hay’adaha muhiimka u ah horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, kobcinta ganacsiga badda iyo xoojinta adeegyada dekedaha Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa la filayaa inay qayb ka noqoto dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo howlaha wasaaradaha iyo kor u qaadista adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.