Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nuceeymi, kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka ayaa ahaa mid si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku jirto ee la xiriira sugidda amniga, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo dardargelinta horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka la wadaagay horumarka ay Xukuumadda DanQaran ka sameyneyso dhinacyada amniga iyo siyaasadda, isaga oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshaha dowladda ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin dadweyne oo xor iyo xalaal ah, kuwaas oo ka qabsoomi doona dalka mustaqbalka dhow.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si gaar ah uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, sida kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, iyo waxbarashada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee labada dal, isagoo xusay in Qatar ay door muuqda ka qaadato garab istaagga midnimada, dib-u-dhiska, iyo xasilinta Soomaaliya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bogaadiyey kaalinta Dowladda Qatar ay ka qaadato arrimaha bini’aadantinimada, gaar ahaan taageerada ay siiso dadka ay saameeyeen abaaraha, colaadaha, iyo xaaladaha kale ee degdegga ah. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn u qadarinayso xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee kala dhexeeya Qatar, isla markaana ay diyaar u tahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac ee ku saleysan danaha guud.
Dhinaca kale, Danjiraha Dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nuceeymi, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre soo dhoweynta diirran ee uu u sameeyay. Wuxuu sidoo kale xusay in Dowladda Qatar ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada ay ugu jirto xoojinta midnimada, wadajirka, iyo horumarka dalka.
Danjiruhu wuxuu carabka ku adkeeyay in Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada, taas oo saldhig u ah xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood.