Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowlad-goboleedka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Laascaanood.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriirta xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, dardargelinta arrimaha amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo ka dhageysiga baahiyaha ay qabaan shacabka deegaannada SSC-Khaatumo.

Inta uu ku sugan yahay Laascaanood, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda dowlad-goboleedka, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo sidoo kale daah-furi doona mashaariic horumarineed oo ay fulinayso Dowladda Federaalka.