Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo xarigga looga jarayay Masraxa Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali, kaas oo laga hirgeliyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, maamulka sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahanno, arday, iyo marti sharaf kale oo kala duwan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay bahda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta waxbarashada dalka iyo doorka ay ku leeyihiin kobcinta aqoonta jiilka soo koraya.
Khudbaddiisa, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dowlad-wanaagga, shaqo-abuurka, fursadaha dhalinyarada, la-dagaallanka qabyaaladda, iyo muhiimadda ay jaamacaduhu u leeyihiin dhismaha bulsho aqoon iyo wacyi ku dhisan. Waxa uu sheegay in furitaanka masraxa cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, dhaqanka, fanka iyo cilmi-baarista, isla markaana dhiirrigelinaya hal-abuurka ardayda iyo aqoonyahannada.
“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hoggaamiye, waxayna hoggaamisaa tacliinta sare ee dalka. Waxaan rajeynayaa in ay noqoto hoggaamiye wanaagsan oo booskaas si dhab ah u buuxisa, dowladduna ay kaalin muuqata ka qaadan doonto horumarinteeda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay warar rajo-gelin ah, isaga oo sheegay in sanadka 2026 ay dalka ka bilaaban doonto qodista iyo soo saarista shidaalka, taas oo la filayo inay wax weyn ka beddesho dhaqaalaha dalka iyo nolosha guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Masraxa cusub ee xarigga laga jaray ayaa loogu magac daray Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali, oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kana mid ahaa guddigii qorista Farta Soomaaliga, taas oo muujinaysa qiimaha ay jaamacaddu u hayso haldoorka aqoonta iyo taariikhda waxbarashada dalka.
Ugu dambeyn, munaasabaddan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo hay’adaha tacliinta sare, isla markaana dhiirrigelinaysa horumar waara oo ku saleysan aqoon, cilmi-baaris iyo hal-abuur.

