Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Balanballe ku dhex dhigay heshiis nabadeed oo soo afjaraya colaaddii Balanballe iyo Guriceel

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, maamulka degmada Balanballe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa goobjoog ka noqday heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha walaalaha ah ee degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, kadib colaado sanado badan soo jiitamayay.

Xaflad ballaaran oo ay ka qeyb galeen bulshada labada degmo, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhallinyarada, ayna goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Xamsa, Madaxweynaha Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal ah, ayaa lagu soo gabagabeeyay heshiiska nabadeed.

Labada Ugaas ee beelahan, Ugaas Maxamed Ugaas Kayse iyo Ugaas Xasan Ugaas, ayaa meel fagaare ah ku kala saxiixday heshiis ka kooban 8 qodob, kaas oo lagu soo afjaray colaaddii muddada dheer ka dhex jirtay labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in gogosha nabadeed ay muujineyso sida ay labada dhinac uga go’an tahay in si dhab ah loo gaaro heshiis waara.

“Gogoshan waxaa iiga muuqata in labada dhinac ay ka go’an tahay in ay si dhab ah u heshiiyaan. Ilaahayna wuxuu ballanqaaday in cid kasta oo niyad wanaagsan la timaada uu waafajinayo. Haddii cid ku xad-gudubto waxaad ku heshiiseen, waa in aad ku xallisaan Shareecada Islaamka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyay heshiiska la gaaray, isaga oo ku tilmaamay mid waafaqsan qorshaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha Soomaali heshiis ah.

Waxa uu sheegay in heshiiskan uu horseedi karo nabad waarta, horumar dhaqaale iyo in bulshada si wanaagsan loo gaarsiiyo adeegyada dowladda, maadaama ay soo dhammaatay colaaddii muddada dheer saameynta ku lahayd deegaanka.

Intii uu ku sugnaa degmada Balanballe, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale dhagax-dhigay Aqalka Nabadda, waxaana uu ballanqaaday in la dhisayo iskuul wax lagu baro carruurtii ku agoontoobay colaadaha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ballanqaaday in degmada laga hirgelin doono garoon ciyaareed, saldhig ciidan iyo in la dhammaystiro Garoonka Diyaaradaha Balanballe.

Dhanka kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tababar usoo xiray cutub ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kuwaas oo ku biiraya ciidamada amniga dalka.