Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Furay Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka, taas oo sanadkan halku-dhiggeedu yahay “U Gudbidda Dhaqaale Nabadeed”.

Madashan oo ay ka qaybgalayaan dhaqaaleyahanno, ganacsato, masuuliyiin dowladeed iyo cilmi-baarayaal ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, waxaana diiradda lagu saarayaa hannaanka dhaqaale ee ka dhasha xilliyada nabadda, kuna kobca marka nidaamka dowliga ah uu xoogaysto.

Daraasado lagu soo bandhigay madasha ayaa muujinaya in Soomaaliya ay hadda u gudubtay marxalad cusub oo dhaqaale, taas oo fursad u abuureysa kobaca ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga gudbo hab-dhaqannadii iyo nidaamyadii laga dhaxlay dagaalladii sokeeye, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada iyo nidaamyada dhaqaale ee dunida inteeda kale.

“Xilligii hore ee uu xukunka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh, magaalada waxaa tiilay 65 isbaaro. Marka aad eegto meesha aan ka nimid iyo meesha aan joogno, rajo weyn baa ku galaysa. Waynu soconnaa, inkastoo xawaaraha la rabay aynaan ku socon, haddana dhinicii wanaagsanaa ayaan u soconnaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Aragtida Madaxweynaha ee 2060-ka ay bidhaaminayaan mustaqbal wanaagsan oo Soomaaliya yeelato, isaga oo tilmaamay in qorshuhu yahay in muddo gaaban gudaheed lagu abuuro 160 kun oo fursadood oo shaqo.

Wuxuu intaas ku daray in ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo dhaqaalaha xorta ahi ay kaalinta ugu weyn ka qaadan doonaan abuurista shaqooyinkaas, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarinayso jawi ku habboon kobaca dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga.

Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo qorsheyaasha dhaqaale ee Soomaaliya, laguna abuurayo hannaan dhaqaale oo ku dhisan nabad, xasillooni iyo horumar waara.