Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hambalyeeyay Doorashada Qof iyo Cod ee Galmudug iyo Hirshabeelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyeeyay doorashada qof iyo cod ee maanta ka qabsoontay maamul-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay shacabka ka qeyb qaatay geeddi-socodka doorashada, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo la xiriirta horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ka qeybgalka bulshada ee doorashooyinka.

Doorashada ayaa maanta ka dhacday deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle, iyadoo shacabka ay u dareereen goobaha codbixinta si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, una doortaan wakiillada ay doonayaan.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale ku boorriyay dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada inay ilaaliyaan nabadda, xasilloonida iyo hannaanka doorashada, isla markaana ay ixtiraamaan natiijada iyo habraacyada doorashooyinka.

Doorashada qof iyo cod ayaa ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalka ay sheegtay inay muhiimad siinayso in shacabka ay si toos ah uga qeyb qaataan doorashooyinka dalka.