Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hambalyo u Diray Ardayda Soomaaliyeed ee Kaalmaha Hore Ka Gashay Imtixaanka Shahaadiga ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleysatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee dalka, isaga oo si gaar ah ula xiriiray saddexda arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka iyo waalidiintooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta ku ammaanay dadaalka, kartida iyo samirka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen waxbarashada, isagoo xusay in guusha la gaaray ay tahay mid ka dhalatay iskaashiga ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo bahda waxbarashada dalka.

“Waxaan u hambalyeynayaa macallimiinta, waalidiinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada dalka. Ummaddu waxay ku dhisantaa, isbeddelkuna wuxuu ka yimaadaa jiilkeeda waxbaranaya. Markasta oo dadkeennu wax bartaan, waxaan u sii dhowaaneynaa dhanka wanaagsan ee isbeddelka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la xaqiijiyo in aysan jirin arday Soomaaliyeed oo gaaray da’da waxbarashada balse aan fursad u helin inuu iskuul aado.

Waxa uu waalidiinta Soomaaliyeed ku boorriyey inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan carruurtooda, gaar ahaan dhinaca waxbarashada, isagoo tilmaamay in waxbarashadu tahay aasaaska horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ballanqaaday in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda u dabooli doonto waxbarashada saddexda arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare.

Ardayda kaalmaha hore galay ayaa kala ah:

Maxamed Ciise Daahir Yuusuf – Dugsiga Hawl-Wadaag, Muqdisho-Banaadir.
Farxiya Faarax Cumar Cigaal – Dugsiga Axmed Binu Hambal, Kismaayo-Jubaland.
Aamino Khaalid Cabdalla Axmed – Dugsiga Imaamu Shaafici (Sh. Madar), Muqdisho-Banaadir.