Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Laascaanood boqolaal shacab ah iyo hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari kala qeybgalay munaasabadda lagu xusayay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay aasaaska maamulka Waqooyi Bari. Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka tirsan dowladda Federaalka, maamulka Waqooyi Bari, odayaal dhaqameed, waxgarad, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabadda, isagoo ugu horreyn hambalyo u diray shacabka Waqooyi Bari meel kasta oo ay joogaan gudaha dalka iyo dibaddiisa. Waxa uu ku ammaanay shacabka iyo maamulka sida ay ugu guuleysteen in muddo kooban gudaheed ay ku dhisaan hay’ado dowladeed, una hormariyaan adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu sanadkii ugu horreeyay muujiyay horumar muuqda, isagoo xusay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay inay sii xoojiso taageerada ay siineyso maamulka si loo dardargeliyo adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sugidda amniga. Waxa uu tilmaamay in Waqooyi Bari ay astaan u tahay midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay geesinimada iyo adkeysiga shacabka deegaanka, isagoo sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay si weyn u qadarinayaan doorka ay dadka Waqooyi Bari ka qaateen difaaca jiritaanka iyo midnimada dalka.
Wuxuu ugu baaqay maamulka iyo shacabka Waqooyi Bari inay sii xoojiyaan xiriirka walaaltinimo iyo deris-wanaagga ay la leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Sidoo kale wuxuu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xiriirka ehelnimo iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in horumarka dalka lagu gaari karo iskaashi iyo midnimo.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray shacabka iyo maamulka Galmudug, isagoo bogaadiyay doorashadii qof iyo cod ee dhowaan ka qabsoontay maamulkaas. Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay sii wadi doonto hirgelinta doorashooyinka tooska ah ee dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay si xor ah ugu doortaan hoggaankooda, islamarkaana awoodda siyaasadeed dib loogu celiyo shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si adag uga hadlay hadallada siyaasiyiinta qaar ee ku baaqaya in talada Soomaaliya laga saaro gacanta Soomaalida, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaasi aysan marnaba dhici doonin, isla markaana go’aanka masiirka dalka uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed.
Isagoo ka hadlayay caqabadaha waaweyn ee dalka horyaalla, ayuu sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo laba khatarood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah kooxaha argagixisada ee fikirrada xagjirka ah xambaarsan iyo kooxo uu sheegay inay siyaabo kala duwan uga soo horjeedaan horumarka dowladnimada iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.
Intii ay munaasabaddu socotay, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaguna khudbado ka jeediyay madasha, iyagoo faahfaahin ka bixiyay mashaariic horumarineed oo dowladda Federaalka ka waddo deegaannada Waqooyi Bari. Wasiirradu waxay sheegeen in mashaariicdaasi ay isugu jiraan dhismaha waddooyin, xarumo caafimaad, adeegyada waxbarashada, biyaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta adeegyada dowladda, kuwaas oo la filayo inay sare u qaadaan nolosha bulshada deegaanka.