Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ay wehliyaan Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka Towfiiq.
Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiinta ayaa halkaasi ku soo kormeeray cutubyo cusub oo tababar ku qaadanaya dugsiga, kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka NISA.
Ciidamadan ayaa loo diyaarinayaa inay ka qeyb qaataan howlaha sugidda amniga iyo xoojinta nabadda ee waqooyiga gobolka Galgaduud, halkaas oo muddooyinkii u dambeeyay laga waday dadaallo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga deegaanka.
Kormeerka ayaa qeyb ka ah howlaha lagu xoojinayo tayada iyo diyaar-garowga ciidamada amniga, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo ilaalinta nabadgelyada bulshada.