Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku sameeyay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, oo dhawaan lagu sameeyay dib-u-dhis iyo casriyeyn, laguna soo kordhiyay qaybo cusub oo loogu talagalay horumarinta adeegyada isgaarsiinta iyo boostada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, halkaas oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, siyaasadaha lagu hagayo iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada dijitaalka ah ee dalka.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ururka Boostada Adduunka (UPU), iyo mashruuca isku-xirka dijitaalka ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga dijitaalka ah ee gobolka iyo ballaarinta helitaanka adeegyada internet-ka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in u-guuridda nidaamka dijitaalka ah ay tahay isbeddel muhiim ah oo dalka ka socda, isaga oo xusay baahida loo qabo in Wasaaraddu yeelato awood farsamo iyo shaqaale aqoon u leh horumarka teknoolojiyadda, si ay uga jawaabaan baahiyaha iyo caqabadaha soo kordhaya.

Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta nidaamka isgaarsiinta dalka iyo helitaanka hannaan isku xiran oo lagu maareeyo adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta, si loo yareeyo khataraha amniga dijitaalka ah, loona xaqiijiyo adeegyo ammaan ah oo la isku halleyn karo.