Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya.

Nairobi, 07 May 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isagoo kala hadlay kaalinta ay ka ciyaari karaan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursadaha jira, caqabadaha dowladda-dhisidda hortaagan, iyo dadaallada Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan adkeynta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay ganacsatada inay door muhiim ah ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u mahadceliyay dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka la kulma. Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri, “Waxaan ku boorrinayaa ganacsatada inay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, taasoo abuuri karta fursado shaqo oo muhiim ah. Maalgashigan wuxuu sidoo kale fursad u yahay inaan ka faa’iideysano xubinnimadeenna suuqa bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo ah suuq cusub oo horumar dhaqaale ballaaran keeni kara.”

Dhankooda, ganacsatada ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha talooyin ku saabsan dowlad-dhisidda iyo horumarinta dalka, iyagoo ammaanay guulaha muhiimka ah ee ay gaartay Xukuumadda muddadii labada sano ee u dambeysay.