Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Xisaabtan iyo Qiimeyn Ku Sameeyay Wasiirrada Xukuumadda DanQaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay wasiirrada Xukuumadda DanQaran, iyadoo lagu eegayay waxqabadka wasaaradaha iyo heerka ay gaareen fulinta qorshayaashii iyo ballanqaadyadii ay horay u qaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay wasiirrada ayaa sheegay in la xisaabtankan iyo qiimeyntan looga gol leeyahay in si faahfaahsan loo qiimeeyo shaqadii qabsoontay sanadkan, iyadoo lala barbar dhigayo ballanqaadyadii iyo qorshayaashii uu wasiir kasta saxiixay.

Waxa uu tilmaamay in qiimeynta lagu eegayo heerka ay wasaaraduhu uga soo dhalaaleen qorshayaashii loo dejiyay, meelaha ay horumar ka sameeyeen iyo caqabadaha sababay in qaar ka mid ah shaqooyinka qorshaysnaa aysan waqtigooda ku qabsoomin.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in haddii qiimeyntu muujiso caqabado ama shaqooyin aan sidii loogu talagalay u hirgelin, dib loo eegi doono qorshayaasha, hadafyada iyo bar-hiigsiyada ku qoran heshiisyadii lala galay wasiirrada, si loo saxo meelaha u baahan in wax laga beddelo.

Markii ugu horreysay ayaa la xisaabtanka iyo qiimeynta wasiirrada loo adeegsaday hab dijitaal ah, iyadoo shaashad weyn lagu soo bandhigay boqolleyda natiijooyinka kasoo baxay qiimeynta wasaarad kasta iyo sida ay wasaaraduhu kaalmaha ugu kala galeen waxqabadka.

Habkan cusub ayaa ujeeddadiisu tahay in qiimeynta waxqabadka ay noqoto mid si cad loo cabbiri karo, iyadoo la adeegsanayo xog iyo natiijooyin la xiriira qorshayaashii horay loo dejiyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada, agaasimeyaasha guud iyo hawlwadeennada farsamo ee wasaaradaha kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan howlaha qaranka, isla markaana ay si buuxda uga soo dhalaalaan waajibaadka iyo shaqooyinka loo igmaday.

Waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay xukuumadda ka sugayaan waxqabad muuqda, adeegyo la taaban karo iyo in la fuliyo qorshayaasha loo sameeyay horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in xukuumaddu ay sii horumarinayso nidaamka qiimeynta waxqabadka, si loo helo hab casri ah oo lagu ogaan karo heerka ay wasaaraduhu uga soo baxeen waajibaadkooda.

“Qorshe ayaynu samaysanay, idinka ayaa dajiyay, kadibna waan isla saxiixanay. Qorshihii ayaan isla qiimeynaynaa, waxaan eegeynaa caqabadaha jira, fursadaha iyo waxyaabaha aan sixi karno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Waxa uu intaas ku daray in nidaamka qiimeyntu uu mar kasta sii horumarayo, iyadoo hadda la gaaray heer loo gudbayo hab dijitaal ah oo sahlan, isla markaana waqti badan aan ku bixin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee dowladda ay si joogto ah ula socdaan qorshayaasha loo dejiyay wasaaradahooda, ayna hubiyaan in shaqooyinka loo qorsheeyay ay ku qabsoomaan waqtigooda.

La xisaabtankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, kor loogu qaadayo waxqabadka wasaaradaha, lana hubinayo in qorshayaasha dowladda ay u gudbaan heer waxqabad dhab ah oo shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan.