Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalintii labaad ee uu ku sugan yahay Laascaanood uu la yeeshay Isimmada kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada, loo adkeyn lahaa nabadda iyo sidii bulshada deegaanka ay door muuqda uga qaadan lahaayeen geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee Isimmada dhaqanku ku leeyihiin nabadeynta, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo ilaalinta wada noolaanshaha, isagoo xusay in kaalintoodu ay laf-dhabar u tahay xasilloonida iyo horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya sii wadidda dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada, isaga oo ugu baaqay Isimmada dhaqanka inay sii laba jibbaaraan kaalintooda ku aaddan xasilloonida, mideynta bulshada iyo ilaalinta midnimada Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo isdaba joog ah oo Ra’iisul Wasaaruhu ka wado magaalada Laascaanood, kuwaas oo lagu xoojinayo wadatashiga dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo dardargeliyo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka deegaannada Waqooyi Bari.