Ra’iisul Wasaare Xamsa oo markii ugu horreysay tan iyo magacaabistiisa safar ku tagay dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi, xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee  kenya Jabriil Ibraahim  Cabdulle.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, Socdaalka, amniga gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda  Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka Al-Shabaab  iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa socdaalka uu maanta ku tagay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ka dhigan safarkii ugu horreeyey uu ku tagayo dalka Kenya ka dib magacaabistiisa 2022-ka.