Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Muqdisho ku soo xiray Shirkii 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray Shirkii 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika, kaas oo ay ka qeybgaleen madax iyo khubaro sare oo ka kala socday dalalka gobolka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in martigelinta shirka ay ka tarjumayso isbeddelka togan ee Soomaaliya ka hirgalay dhinacyada nabadda, amniga iyo dib-u-dhiska, isla markaana ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee dalalka Bariga Afrika ay ku qabaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in gobolka uu wajahayo caqabado amni oo isku dhafan, oo ay ka mid yihiin argagixisada, dambiyada xuduudaha ka gudba, amniga badaha, isbeddelka cimilada iyo arrimaha bani’aadannimada, kuwaas oo u baahan iskaashi mideysan, qorsheyaal wadajir ah iyo xalal waara oo ku dhisan horumar iyo diblomaasiyad.

Gebogabadii shirka, Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu wareejisay hoggaanka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF) dowladda Uganda, kaddib muddo sanad ah oo ay Soomaaliya haysay. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa xusay in intii lagu jiray muddadaas la gaaray horumar la taaban karo, halka Ra’iisul Wasaaruhuna uu rajo ka muujiyay in go’aannada shirka ay xoojin doonaan nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika.