Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Muqdisho ka daah-furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka daah-furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Bandhigga waxaa ka qeybgalay boqolaal ka tirsan bulshada caasimadda, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha iyo kheyraadka dalxiiska ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhanka dalxiiska ah, kuwaas oo haddii si wanaagsan looga faa’iideysto wax weyn ka tari kara kobaca dhaqaalaha iyo dakhliga dalka.

Waxa uu xusay in horumarinta dalxiisku ay u baahan tahay in la helo shaqaale aqoon iyo xirfad u leh howlaha dalxiiska, teknoolojiyad casri ah iyo kaabayaal ku habboon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay ganacsatada iyo maalgashadayaasha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeynaya horumarinta dalxiiska Soomaaliya, gaar ahaan maalgashiga lagu sameynayo xeebaha dalka oo uu sheegay inay leeyihiin fursado waaweyn.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa khudbaddiisa kaga hadlay qaddiyadda qaranimada, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in warqad uu siyaasi u diray Qaramada Midoobay ay tahay arrin uu ku tilmaamay nasiib darro iyo mid dhaawac ku ah qaranimada iyo midnimada dalka.

“Midnimadu waa tiirka adag oo la’aantii aysan ummadi taagnaan karin, kaas oo ka sarreeya khilaafaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshaha jiri kara xilliyada qaar. Haddii midnimo la waayo, waxaa beylah loo noqonayaa cadaw. Midnimadeenu waa dhaxal jiilba jiil usoo dhiibayay, loona huray naf iyo maal,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.