Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane László Eduárd Máthé, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah, nabadda iyo horumarka dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, taageerada hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Soomaaliya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu danjiraha warbixin ka siiyey horumarka laga sameeyey dhinacyada amniga, dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska, isaga oo faahfaahin ka bixiyey qorshayaasha Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo dowladnimada, xaqiijinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.
Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub, László Eduárd Máthé, ayaa xaqiijiyey muhiimadda uu Midowga Yurub siinayo xiriirka Soomaaliya, isaga oo muujiyey diyaar u ahaanshaha sii wadidda wada-shaqaynta iyo taageerada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, oo ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee taageera horumarka dalka.