Ra’iisul Wasaare Xamsa Oo Qaabilay Danjiraha Talyaaniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Italy u fadhiya Soomaaliya, Mudane Daccò Coppi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, horumarka, waxbarashada iyo taageerada bani’aadannimada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka warbixiyay halka ay marayaan mashaariic waaweyn oo isbitaallo looga dhisayo degmooyinka Afmadow (Jubbada Hoose), Xarardheere (Mudug) iyo Caddale (Shabeellaha Dhexe), kuwaas oo ay maalgelinayso dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, isagoo xusay in Talyaanigu door muuqda ka qaatay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, diblomaasiyadda iyo gargaarka bani’aadannimo. Waxa uu sidoo kale la wadaagay guulaha ay Xukuumadda DanQaran ka gaartay amniga, dhaqaalaha iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod.

Dhankiisa, Danjire Daccò Coppi ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta, isagoo sheegay in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay sii wadista iyo xoojinta taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.