Ra’iisul Wasaare Xamsa Oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Jabuuti U Fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xusay inuu ka shaqeyn doono sii adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isaga oo u rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo diray. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka shacabka labada dal.

Dhankiisa, Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle ayaa muujiyay sida dowladda Jabuuti ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo wada-shaqeynta ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale safiirka la wadaagay hambalyo uu u dirayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, isaga oo u rajeeyay guul iyo in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee mar kale loo igmaday.